Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka  Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo maanta kusoo gaaray caasimada Puntland ee Garoowe, ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS).

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah islamarkaana laga hirgeliyo deegaaanada Puntland, isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa.

Siciid Deni ayaa muujiyey sida ay  Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirigelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System.

Munaasabada waxa ka qayb galay goleyaasha maamulka Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, La-taliyeyaal Madaxweyne, wefti ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

(Sawirro) Axmed Karaash oo qado sharaf ku maamuusay RW hore ee Soomaaliya

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay Xildhibaan lagu dilay Muqdisho oo kursigii aabihii ku guuleystay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo Qaahira kula kulmay Caadil Bin Abdulrahman Al-Casoomi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---