Allbanaadir.com
NEWS

Kulamo siyaasadeed oo ka socda Muqdisho iyo madaxda dalka oo walaacsan

Magaalada Muqdisho, ayaa si weyn looga dareemay kulamo siyaasadeed ay wadaan qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka, kuwaa oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay ka maqnaayeeb muddooyinkii lasoo dhaafay.

Guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin Madaxweyne hore Sheekh Shariif, Ra’isul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid ayaa si weyn looga dareemay abaabul iyo kulamo siyaasadeed oo ka dhax socda.

Siyaasiyiin mucaarad ah, xildhibaanno , odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa buux dhaafiyay guryaha ay degan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Kulamada ay madaxdii hore dalka la qaadanayaan siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada , ayaa looga arrinsanayaa xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga hortagi lahaa muddo kororsiga madaxda dowladda Federaalka rabaan in ay ku darsadaan.

Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa si weyn uga walaacsan siyaasiyiinta mucaaradka Muqdisho kusoo laabtay kana bilaabay kulamada siyaasadeed ee ka dhan ah rabitaanka madaxda sare  iyo qabashada doorasho qof iyo cod oo muddo kororsiga ku hoos qarsoon tahay.

Siyaasiyiinta mucaaradka , ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin muddo kororsi dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh sameesato, waxa ayna hadda bilaabeen kulamo siyaasadeed oo looga hortagayo damaca madaxda sare ee dowladda.

Related posts

Mashruuc cusub oo 5 sanno soconaya oo maanta Muqdisho lagu daahfuray (Sawirro,)

Cabdi Cade

Doorashada iyo Habraaca kuraas cusub oo katirsan gollaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Mid kamid ah Safaaraha Soomaaliya ku leedahay dalka Dibadiisa oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---