Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaasi oo cunaqabatayntii dhaqaale looga qaaday Suuriya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aankani qeyb ka yahay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta gobolka.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Suuriya iyo dalalka kale ee Carabta looga baahan yahay wadajir iyo midnimo, si loo gaaro amni iyo horumar buuxa. iyo Horumar.
Trump, wuxuu Riyaad kula kulmay madaxweyne Trump & Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac, iyadoo uu goobjoog ahaa wada-hadallo ay yeesheen dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, halka uu hab foggaan-arag ah kulanka uga qeybgalay Madaxweynaha Turkiga, Erdogan.
Trump, wuxuu cunaqabateyntii si dhammeystiran uga qaaday Suuriya , halka uu dib usoo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Suuriya , tan oo ku timid dadaallo ay bixiyeen Sacuudiga iyo Turkiga, sida uu horey u xaqiijiyay Trump.