Laba tuhmane oo lala xiriirinayo weerarkii hoteelka Dusit D2 ee 2019, oo sababay dilka 21 qof, ayaa la hor keenay Maxkamadda Sharciga ee Kahawa ee magaalada Nairobi.
Labadan qof oo lagu kala magacaabo Xuseen Maxamed Cabdille Cali iyo Maxamed Cabdi Cali oo hore loogu soo oogay kiiskan ayaa ka soo hor muuqday xaakim Diana Kavedza, taasoo ku heshay dhammaan eedaha loo haysto.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka (ODPP) ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in Xuseen lagu helay danbi ah in uu fududeeyay fal argagixisanimo isagoo bixinaya lacag dhan 836,900 oo shilinka Kenya ah taas oo la siiyay mid ka mid ah raggii weerarka geystay iyo 14 kale oo dheeraad ah.
“Maxkamaddu waxay ogaatay inuu fududeeyay weerarka isagoo lacag dhan Ksh.836,900 ku wareejiyay M-Pesa, habka online-ka ee lacagaha la isugu diro, taas oo uu lahaa Cali Saalim Gichunge, oo sidoo kale loo yaqaan Farouk ama Erick Kinyanjui Munyi kuna dhintay weerarkii ka dhacay hoteel Dusit iyo xubin ka tirsan kooxda argagixisada ee Al Shabaab,” ayay yiri xafiiska xeer ilaalinta ee ODPP.
“Dhaqdhaqaaqyadan ayaa dhacay intii u dhaxaysay Oktoobar 14, 2018 iyo Janaayo 12, 2019, gaar ahaan aagga Soko Mbuzi ee degmada Mandheera.”
Waxa ay sidoo kale codsadeen in lagu xukumo ciqaabta ugu adag, waxayna ku baaqeen in la meesha laga saaro dammaanadda eedaysanaha labaad, taas oo lagala noqday, waxaana eedeysanaha lagu sii hayaa xabsiga Kamiti ee ugu sarreeya.
Maxkamaddu waxay amartay in lagu soo diyaariyo warbixin tijaabo ah 21 maalmood gudahood, taas oo ay tahay in la soo gudbiyo June 17, 2025.