Allbanaadir.com
NEWS

Miisaaniyadda maamulka Gobolka Banaadir ee 2025 oo la ansixiyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka qeyb galay munaasabadda ansixinta miisaaniyadda maamulka gobolka Banaadir ee sanadka 2025, kadib markii maanta loo soo bandhigay xubnaha kala gedisan ee maamulka G/Banaadir.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in miisaaniyadda sannadka cusub ee 2025 si daah-furnaan ah looga soo shaqeeyay, isla markaana loo bandhigay qeybaha kala gedisan ee bulshada, isagoona  codsaday in la ansixiyo miisaaniyadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyadda cusub ee 2025 ay ansax tahay, kadib markii cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay, inkastoo 5 xubnood ay diideen, halka 9-xubnood ay ka aamuseen.

Duqa Muqdisho ayaa u mahadceliyay howlwadeenada xafiiska maaliyadda G/Banaadir sida hufanaanta leh oo ay ugu soo shaqeeyeen miisaaniyadda sanadka 2025, waxa uuna xusay in miisaaniyaddan ay noqon doonto mid lagu horumariyo caasimadda

Waxa uu sheegay in qorshayaasha hortabinta u leh maamulkiisa ay ugu horeyso daah-furnaan, in shacabka gobolka Banaadir ay aadaan doorasho qof iyo cod si ay mas’uuliyiintooda usoo doortaan, in la helo magaalo nabdoon, magaalo nadiif ah oo cagaaran, taasina lagu gaari karo isla xisaabtan iyo in bulshada fursad la siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Villa Somalia oo qorshe cusub wada iyo Go’aan kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Warar kale

admin

DF oo Golaha amaanka ee QM ku wargelisay in heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada

Caydiid Ali

Dal Yurub katirsan oo ka digay Saameyn ka dhalaneysa dagaalka Israel iyo Xamaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---