Wiil uu dhalay Xildhibaan lagu dilay Muqdisho oo kursigii aabihii ku guuleystay (Daawo Sawirro)

Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorasho kursi ka bannaanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu dhowaan ka geeriyooday marxuum Cismaan Cilmi Boqorre.

Doorashada oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Doorashooyinka qaranka ayaa waxaa ku tartamay wiil uu dhalay Xildhibaankii kursiga banneeyay oo lagu magacaabo Cadnaan Cismaan Cilmo Boqore iyo wiil kale oo lagu magacaabo Axmed Cismaan Xaashi.

Doorashada oo ahayd mid hore loo sii ogaa natiijadeeda ayaa waxaa ku soo baxay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo Guddiga ku dhawaaqeen inuu ku guuleystay kursigii aabihiis ka geeriyooday.

Ma ahan markii horeysay ee Xildhibaano ka tirsanaa baarlamanka Somalia oo geeriyooday ay bedelaan wiilashooda, taasoo ka dhigan in kursiga xildhibaano uu noqday mid qoys ahaan la isaga dhaxlo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -