Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo Qaahira kula kulmay Caadil Bin Abdulrahman Al-Casoomi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin Cabdulraxman Al-Casoomi.

Waxaa kulankaas goob ka ahaa xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta.

Waxaa uu uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Related posts

Macalinkii Koobka u qaaday Xulka Jubbaland oo lagu bahdilay Garoonka Aadan Cadde

admin

Ciidamada Israel oo duqeymihii ugu xumaa ka geystay woqoyiga Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Xafiiska RW Xamse oo la wareegay howlihii Wasaarada Gargaarka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---