Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney weerar toorey loo adeegsaday ka geesatay Hamburg

Weerar mindi loo adeegsaday ayaa ka dhacay magaalada Humburg ee dalka Jarmalka , kaddib markii haweeney toorey ku hubeysan weerar ku qaaday dad ku sugnaa boosteejo tareenada laga raaco.

Inta la xaqiijiyay weerarkan toorey loo adeegsaday waxaa ku dhaawacmay 12 qof , waxaana la sheegay lix kamid ah dadka weerarkan lagu dhaawacay in ay ku jiraan xaalad halis ah.

Ciidamada booliiska Jarmalka oo gaaray goobta uu weerarka ka dhacay ayaa xiray haweeney lagu tuhmayo in weerarkaasi geesatay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in la bilaabay baaritaanno ku aadan weerarkan ka dhacay Humburg.

Weerarada tooreyda loo adeegsado ee ka dhacaya dalka Jarmalka ayaa sii kordhaya, maalmo kahor nin Suuriyaan ah ayaa weerar toorey loo adeegsaday ka geestay magaalada Bielefeld, waxa uuna weerarkaasi ku dhaawacay shan qof oo qaarkood gaareen dhaawacyo halis ah.

Dalka Jarmalka ayaa marar badan waxaa ka dhacay weeraro tooreyo iyo gaadiid loo adeegsaday, kuwaa oo qaarkood lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxo lagu tilmaamay argagaxiso.

Related posts

Wasiirkii Maaliyada dowlada Qatar oo xabsiga la dhigay & eedeymo culus oo loo heysto

Caydiid Ali

Muxuu Deni kala hadlay taliyeyaasha hay’adaha Amniga Puntland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada Soomaaliya oo Magacowday guddi Qaran oo 14 xubnood ka kooban (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---