Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka iyo Ukraine oo is dhaafsaday maxaabiis dagaal

Dowladaha dagaalka ka dhaxeeyo ee Ruushka iyo Ukraine , ayaa shalay oo Jimco aheyd is dhaafsaday maxaabiis badan oo ay kala qabsadeen dagaalka u dhaxeeya milatariga labada dal ee ka socda gudaha Ukraine.

Labada dal ayaana is dhaafaaday 270 maxbuus oo dagaal, iyadoo labada dhinac mid walba uu sii daayay 270 maxbuus, halka sidoo kale ay is dhaafsadeeb 120 maxbuus oo rayid ah labada dhinac kala heesteen.

Maxaabiista labada dal is dhaafsadeen ayaana si weyn looga soo dhaweeyay labada dal, waxaana maxaabiista lasii daayay wajiyadooda ka muuqday farxad badan oo ku aadan in dib u heleen xuriyadooda.

Sii deynta maxaabiista ayaa qeyb ka ah heshiiskii magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku gaareen labada dhinac 16 kii bishan May, waxaa sidoo kale la filayaa in labada dal kun maxbuus oo kale in ay is dhaafsadaan.

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo lagu qasbay in uu raali galin bixiyo

Cabdi Cade

Maxbuus in ka badan 20 sanno ku xirnaa Xabsiga milatariga ee Guantanamo oo lasii daayay

Cabdi Cade

DEG DEG: War Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Garowe & Xassan Shiikh oo loo digay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---