Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal loogu tala galay in uu qalqal galiyo Axmed Madoobe oo is dhiibay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, lagu soo bandhigay nin sargaal ah oo la sheegay in dowladda Soomaaliya hub iyo lacag badan siisay, si uu qal qal u galiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.

Cabdishakur Axmed Caali (Faarso), ayaa kamid ahaa xubnaha siyaasad ahaan kasoo horjeeday Madaxweynaha Jubbaland, waxaana ninkan la sheegay in taageero ka helayay Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Faarso ayaa sheegay in uu qaatay go’aan ah inuu dib ugu soo labato dadkiisa iyo deegankiisa, waxa uuna raaligalin ka bixiyay ficiladiisi hore, isagoona sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo maamulka Jubbaland uuna arkay hagarta dowladda Soomaaliya la damacsan tahay dadkiisa iyo deegaankiisa.

Ninkan maanta isku soo dhiibay maamulka Jubbaland lana soo bandhigay , ayaa sidoo kale wareejiyay hub tiro badan iyo rasaas la sheegay in dowladda Soomaaliya siisay, waxa ayan tani dhabar-jab ku tahay Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ku fashilmay dagaal siyaasadeedkii uu la galay Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Wasiir Arrimo Dibadeed caan ah oo geeriyooday xilli uu shir ka qeyb geli rabay

Cabdi Cade

Afhayeen cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Amniga Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali

(Akhriso) Jubbaland oo War ka soo saartay go’aanadii ka soo baxay shirkii Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---