Agaasimaha heyadda socdaalka & jinsiyadaha ee Dowlada Somalia Mustaf Dhuxulow oo xilkaas haya dhowr bilood ayaa wada isku day iyo talaabo kasta oo u suuragalineysa inuu dhaqaale ka sameeyo heyadda.
Mustaf Dhuxulow ayaa hadda bilaabay inuu musuq toos ah ku sameeyo dhaqaalaha soo gala heyadda ka dib markii ay fashilmeen ilo uu abuuray oo markii hore uu doonayey inuu dhaqaale ka sameeyo.
Baaritaano la sameeyey & macluumaad la helayo ayaa sheegaya in Agaasime Mustaf Dhuxuloow uu afar meelood daqli kasoo galo kuwaasoo kala ah:-
1- Waaxda Viisooyinka . 2- Waaxda wax ka bedelka Baasaboorada . 3- Waaxda daabacadda Baasaboorada . 4- Waaxda Socdaalka Qaybta Bixitaanka dadwaynaha ee Garoonka Muqdisho.
Sida ay ku warameen ilo lagu kalsoon yahay dhaqaalaha laga qaado qofka loo sameynayo baasaboor cusub oo gaaraya 108 Dollar ayaa Mustaf dhuxulow waxaa uu bilaabay inuu ku kala shubo labo Akoon.
Lacagtan ayaa markii hore si toos ah loogu shubi jiray akoonka Wasaarada Maaliyada Somalia hase ahaatee Dhuxulow oo ka duulaya damaciisa dhaqaale doonka ah ayaa amar ku bixiyey in loo qeybiyo akoonka Wasaarada Maaliyada iyo akoon kale oo lagu kala shubayo $ 36.5 & $ 71.5.
Talaabadan ayay wararku sheegayaan iney ka caroodeen masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Somalia kuwaasoo haatan qorsheynaya talaabada ay qaadi lahaayeen si lacagtan la kala jaray halkeeda loogu soo celin lahaa.