Allbanaadir.com
NEWS

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Khaatumo oo meel xun gaaray iyo eedeyn la isku jeediyay

Xiisadda siyaasadeed ee Puntland iyo SSC-khaatumo ayaa ka sii dartay kaddib markii ay saaka hadallo kulul is dhaafsadeen mas’uuliyiinta labada dhinac.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo markii u horraysay si toos ah u dhaliilay hoggaamiyaha SSC-khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye ayaa ku eedeeyay in uu ku fashilmay hoggaaminta maamulkaasi, kaddib markii uu masiirka degaannada SSC u gacan-geliyay madaxweyne Xasan Shiikh.

“Hoggaankii SSC-khaatumo sannadka wuxu galay durbaan iyo is caleema-saarka Xasan shiikh iyo xisbi la galo, waxaana uu dayacay waxbarashadii degaanka, haddii siyaasaddu wareerto, haddii taladu qaldanto khasaaraha ugu yar ee ina gaari karaa waakaasi” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.

“Waxaan rajaynaynaa reer KHATUMO in shirka soo socda mustaqbalka iyo siyaasadda si sax ah loo maareeyo, waxaan degmada Taleex u haynaa $3.5 Million oo waxbarasho ah, waxaannu gobolka Cayn u haynaa $7 Million oo waxbarashada loogu talagalay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Lugatoor.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta SSC-khaatumo oo u jawaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yiri”D.G. SSC-KH, kuma hawllana xumaanta maamulka Puntland, culays na nagumahayo qof JOP SECURITY raadinaya, oo ka wel-welsan waxa uu ka shaqaynayo.D.G. SSC-KH, shaqada qaran kana xil baa naga saaran, taayada na waa ku filan nahay.”

 

Related posts

Faah faahin laga bixiyay Qorshaha dhismaha Galmudug loo dhan yahay !!

admin

Qarax weyn oo ka dhacay Masjid iyo dad uu ku jiro imaamkii oo ku naf waayey

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble iyo wefdi uu hogaaminayo oo goordhaw gaaray Jowhar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---