Kenya Airways oo shaacisay xiliga ay duulimaadyada caalamiga ah ka bilaabeyso Muqdisho

Shirkadda dayuuradaha Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday iney duulimaad joogto ka bilaabi doontaa Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018.

Masuul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in Duulimaadyadu noqon doonaan kuwo maalinle ah, iyadoo Kenya arrintaan kaga gol leedahay iney kor ugu qaado xiriirka hawada ee Afrika ee isku xira magaalooyinka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa dadka, si loo xoojiyo xiriirka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Afrika.

Duulimaadyada ayaa ka baxaya garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), Nairobi saacadda 07:40, sidoo kalena diyaarada waxay dib kaga soo ambabaxeysaa Garoonka Caalamiga Aden Adde, Muqdisho 10:45 si ay ugu soo laabato magaalada Nairobi 13:00.

Madaxa shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz ayaa sheegay in duulimaadka maalinlaha ah la doonayo in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee socdaalka Soomaaliya, saraakiisha dawladda iyo hay’adaha aan dawliga ahayn  ee (NGO-yada) iyo tirada sii kordhaysa ee ganacsatada Kenya iyo gobalka oo doonaya iney ka faa’ideystaan fursadaha bannaan ee dalka.

Mr. Sebastian Mikosz, ayaa sheegay iney doonayaan muujinta sida ay shirkadooda duulimaad uga go’an tahay isku xirnaanta qaaradda Afrika,iyagoo abuuraya fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha ganacsatada iyo dalxiisayaasha Soomaaliya.

Kenya Airweys ayaa noqoneysa Shirkaddii saddexaad ee duulimaad caalami ah ka bilowda Muqdisho muddo 28 sano ah, waxaana ka horeeyey Shirkadaha dayuuradaha Ethiopian Airlines oo maalmo ka hor bilowday iyo Turkish Airweys oo ka sii horeysay.

Waxaa xusid mudan in shirkadda Kenya Airweys ay ka mid aheyd dayuuradaha duulimaadyada caalamiga ah ku iman jiray Muqdisho xiligii beri samaadkii, waxayna joojisay wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladii marxuum Madaxweyne Siyaad Barre sanadkii 1991dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

- Advertisement -