Saraakiisha Baraha Koontrolada Muqdisho oo amaro cusub lagu soo rogay

Taliyeyaasha Ciidamada dowlada oo kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Taliska Ciidanka Booliiska ayaa waxay kaga hadleen isla xisaabtanka, gaabka amniga, adkeynta baraha lagu baaro gaadiidka iyo muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo ka warbixiyey shirka degdegga ah ee Talisyada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ay ka soo baxeen qodobbo adag oo ka dhan ah gudasha la’aanta masuuliyaadda amni ee askarta iyo saraakiisha.

“Maanta waxa uu Madaxweynuhu isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, ma qaadan doonno mar dambe mana yeeleyno in baabuur dad hubeysan ay saaran yihiin bartii-koontarool oo uu soo dhaafo ayaa qaadaneysa mas’uuliyaddeeda, dhibkii dhaca cid unbaa mas’uuliyaddeeda iska leh waxaan ka bilaabeynaa ciidamada booliska ee taagan baraha-koontarool, baaristiina waa socotaa”

Taliyeyaasha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan qaraxyadii argagixiso ee dhacay Jimcadii, isla markaasna sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ka gaabisay in ay ka hortagaan falkaas arxan darrada ah ee lagu gumaaday shacabka.

Kulankan ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu kulan degdeg ah isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, isagoo faray inay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga dalka iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -