Wararkii ugu dambeeyey dabkii qabsaday Suuq ku yaalla isgoyska Banaadir (Sawirro)

Waxaa isa soo taraya khasaare baaxad leh oo ka dhashay dab xoog leh oo caawa fiidnimadii qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla wadada isku xirta isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo ay jiraan qeybo ka mid ah dabkaas oo la demiyey haddana waxaa weli ololaya goobo badan oo dabku ku fiday.

Gaadiidka dab demiska Maamulka gobolka Banaadir iyo Shirkadda hormuud ayaa wada dedaalo xooggan oo lagu deminayo dabka oo ahaa mid  baaxad leh.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa tacsi u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku waayey dabka caawa ka kacay suuqa Banaadir.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad-cellinayaa kooxda gurmadka deg-degga ah ee dowlada hoose ee Xamar iyo ciidamada amniga oo si nafhurnimo leh ula tacaalaya dabka ka kacay Suuqa Banaadir,” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Agaasimaha waaxda dab demiska iyo gurmadka deg dega ah ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dedaal badan ka dib au ku guuleysteen dabka xoogiisa inay dembiyaan inta hartayna ay haatan socdaan dedaal lagu bakhtiinayo, wuxuuna in dabka oo aad baaxad weynaa ay sababtay in saacado badan lala tacaalo.

Sidoo kale, ciidamo uu horkacayo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa sugan goobtaas kuwaasoo sugaya amaanka dadkana ka fogeynaya goobta gubaneysa.

Dabkan ayaa la qiyaasayaa inuu geystay khasaare fara badan oo hantiyeed inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin, waana dabkii ugu xumaa ee sanadahan dambe ka kaca magaalada Muqdisho.

 

- Advertisement -