Gudoomiye Yariisow oo baraha bulshada ku Weeraray Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow ayaa weerar shaqsi ah ku aaday xildhibaan Warsame Joodax oo hore u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir xiligii ay jirtay dowladii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Weerarka guddoomiye Yariisow ayaa ahaa looga jawaabayey hadal uu  Xildhibaan Joodax  warbaahinta Muqdisho ka sheegay oo ahaa in Yariisow loo xil saaray Gobolka Banaadir ee aanay ahayn inuu ku mashquulo siyaasad, isagoo u soo jeediyey inuu u soo jeesto amniga caasimadda oo faraha kasii baxaya kuna shaqeeyo maamullada degmooyinka iyo sirdoonka.

Duqa Muqdisho ayaa ka dib bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu ku weeraray Xildhibaanka kaasoo u qornaa sidatan:-

“Xildhibaan Warsame Joodax oo Waaxdii Waaberi ee shacabka loogu adeegayey ku doodayo sharci baan u heystaa, kadibna aan dantii Guud ku soo celinay, waxey aheyd inuu oggolaado halka uu Warbaahinta ka ceytamayo. Shaqsi goob Dan Guud si gaar ah uma isticmaali karo…”

Guddoomiye Yariisow ayaa hore dagaal baraha bulshada ula galay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano kale waxaana muddooyinkii danbe laga dareemay kalsooni darro siyaasadeed oo keentay inuu u dhaqmo sidii afhayeenka dowladda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -