Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Janaay Cabdalle (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa maanta booqday deegaanka Janaay Cabdalle oo kamid ah deegaannadii dhawaan laga saaray Al Shabaab.

Wasiirka iyo taliyaha waxaa deegaanka Janaay Cabdalle kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, waxa ayna warbixin ka siiyeen xaalada deegaanka oo ciidanka Al Shabaab kala wareegeen.

Waxa uu sheegay wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur in uu ku faraxsan yahay in uu tago deegaanka Janaay Cabdalle uu sheegay in Al Shabaab xoog looga saaray, waxa uuna xusay in deegaankan ciidanka ugu fadhiyo muhiimad gooni ah.

Wasiirka ayaana sheegay in dhawwaan bilaaban doono howlgal baaxad weyn oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan deegaannada Jubbaland gaar ahaan gobolada Jubooyinka oo ay awood badan ku leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -