Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab

Sida lagu daabacay Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ee Sonna ciidamada amaanka ayaa maanta howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab.

Wakaalada Sonna ayaa sargaalka ciidamada amaanka qabteen ku sheegtay in uu ahaa Madaxii Maxkamada Al Shabaab ee deegaanka Bariire gobolka Shabeelaha Hoose, mana soo bandhigin Wakaalada Sonna magaca sargaalkan ciidamada qabteen.

Dhinaca kale Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale howlgalo kale ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen labo nin oo kale oo Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheesan iyo sidoo kale sahminta qaraxyada sida ay Baahisay Sonna.

Wakaalada Sonna ayaa sheegtay in mid kamid ah labadan nin ee la qabtay uu Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheesan sidoo kale wax ka fududeeyay sadex qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa ninka kale waxa ay kasoo qabteen meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ninkan la sheegay in uu abaabulayay falal amaanka lidi ku ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in howlgalo laga fuliyay magaalada Muqdisho lagu qabtay saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Al Shabaab , xubnahan ayaana inta badan sawiradooda iyo magacyadooda aan loo soo bandhigin Warbaahinta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -