Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada kasoo jeeda Khaatumo oo looga yeeray Laascaanood iyo Go’aanno kasoo baxay…

Shir deg deg ah oo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku yeesheen golaha fulinta ee maamulka Khaatumo ayaa laga soo saaray go’aanno muhiim ah oo ku socda dowladda federaalka iyo xildhibaannada Khaatumo kasoo jeeda.

Shirka ka dhacay Laascaanood oo looga arrinsanayay arrimo ay kamid yihiin amniga , difaaca iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan ayaa gabo gabadiisa laga soo saaray baaq ku socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobada shirka kasoo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in shacabka Khaatumo isku tashadaan iskana difaaacaan cadowgooda, waxaa sidoo kale xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Khaatumo loogu yeeray in shir wadatashi ah u yimaadaan Laascaanood.

Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gutaan waajibaadka dastuurkiga ah ee leeyihiin shacabka Khaatumo , kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Shirkan deg dega ah ee ka dhacay magaalada Laascaanood iyo go’aannadan lasoo saaray ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada uuna ka reebay maamulka Khaatumo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland iyo Jubbaland oo ogolaaday ka qeyb galka Shirka Dhuusomareeb kadib Cadaadis la saaray

Cabdi Cade

Jen. Xijaar: “Booliska ayaa sugaya amniga Xarunta doorashada ee teendhada afisiyooni”

Caydiid Ali

Dowladda Itoobiya oo si adag u beenisay warkii kasoo baxay Al Shabaab shaacana ka qaaday…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---