Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo go’doomisay hawada Israa’iil digniina soo saartay

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa kordhisay weerarada gantaalada ay u adeegsanayaan ay ku qaadayaan gudaha Israa’iil, waxa ayna weerarkii ugu dambeeyay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Israa’iil ugu weyn ee Ben Gurion k, kaa oo dhaliyay khasaaro.

Gantaaladii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ku weeraraan Israa’iil , ayaa  ku dhacay agagaarka terminal-ka weyn ee garoonka Ben Gurion subaxnimadii Axadda, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah , iyadoona uu burbur geestay gantaaladan.

War saakay soo saareen kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayey ku dhawaaqeen inay go’doomin ku soo rogeen hawada dhulka Israa’iil maamusho , iyagoo uga digay diyaaradaha rayidka ah inay ka degaan garoommada diyaaradaha Israa’iil.

Afhayeenka dhinaca milatariga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic, ayaa diyaaradaha rayidka uga digay in ay isticmaalaan hawada Israa’iil, waxa uuna sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay ka geesanayaan Israa’iil, gaar ahaan kuwa ay ku beegsanayaan goobaha muhiimka ah ay ku jirto garoonka Ben Gurion.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu , ayaa dhankiisa ku hanjabay in weeraro xooggan oo aargoosi ah ku qaadi doonaan Yemen, waxa uuna sheegay in aan loo dulqaadan karin weerarada uga imaanaya dhinaca Xuutiyiinta.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamse: “Lama aqbalayo in la xagal daaciyo halganka dalka looga xoreynayo Khawaariijta”

Caydiid Ali

Sheekh Shaakir oo goordhaw Warbaahinta loo soo bandhigay kana hadlay arimo muhiim ah

Cabdi Cade

Waa Maxay Suuqa FOREX Exchange Market? (Taariikhdiisa & sida uu u shaqeeyo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---