Allbanaadir.com
NEWS

Sidee kaalmada Dhaqaale ee caalamka u hagtaa siyaasadda Soomaaliya ?

Siyaasadda Soomaaliya , waa mid aan isbeddelin oo horumarka ka dhex dhacaya soddonkii sanno ee u dambeysay wuxuu ahaa mid gaabis ah oo xataa ma awoodin inay nidaamyadii dhismayay , sal u dhigaan waxa uu dal ku noqon karo mid leh jiritaan dawladeed oo ah ; dhaqaalaha iyo amniga, isla labadan howlqabad oo ay ka tageen hoggaamiyayaasha, waxay ku noqotay siyaasadda Soomaaliya, midda ay ku hagaan beesha caalamka oo wax ku dhow nus qarni dalalka galbeedka ayaa bixinayay taageerro dhaqaale iyo mid amni ee Soomaaliya , isla ayaga ayaanna go’aaminayay waxa ka dhex dhacaya siyaasadda!

Hadda, waxaa muddo 18 sanno ah Soomaaliya ka socday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika oo dhowrkii sannaba mar loo beddelay magaca— waxa lagu gaaray howlgalkaa muddadaa uu socday , waxay ka muuqanayaan dalka, oo looma baahna in la sharraxo, balse waxa aan usoo qaadanay ayaa ah 18 sanno ka dib, waxaa la soo gaaray in howlgalka loo waayay dhaqaalihii, isla waqtigaa ay tan dhacayso waxay ku soo aadday xilli kala aragti duwanaan siyaasadeed ee jirta ay sare martay, taa oo ay weheliso walaaca amni iyo waxa dhacaya haddii howlgalka uu meeshan ka baxo…! Si loo helo taageerro dhaqaale , deeq bixiyaasha Soomaaliya; shuruudahooda waxaa ku jirta in xal loo helo kala aragti duwanaashaha ka jirta siyaasadda , oo Soomaalida waxa laga doonayaa inay xal u helaan waxa ay isku diidanyihiin, si danaha qaranka loo taageerro iyadoo ay jirto midnimada hoggaanka siyaasadda dhexdooda oo waxa ay isku diidanyihiin ay tahay ama ku kala maqanyihiin danahooda shaqsi iyo siyaasadeed.

Ma garanaysa waxa dhacaya haddii dhaqaale loo waayo howlgalka nabad ilaalinta Afrika ?

Dad badan waxay arkayaan ciidanka Midowga Afrika ka socda ee ku sugan Soomaaliya , inaysan muddooyinkii u dambeeyay wax door ah ku lahayn la-dagaallanka argagixisada, balse howlgalka ayaa u dhisan hab dammaanad qaad amni iyo dhaqaale, oo haddii uu meesha ka baxo, sabab la xiriirta arrimaha dhaqaalaha , si la mid ah ciidanka Soomaaliya ayaa wajahaya inay la kulmaan xaalad dhaqaale oo kaliya ciidanka ma aha ee sidoo kale khasnada dawladda ayaa isla xaaladan wajahaysa, maaddama dhaqaalaha dalka uu ku tiirsan yahay kaalmada dibadda , waa wax u dhigma in dawladnimada iyo jiritaankeedu ku xiranyahay kaalmada dibadda oo meesha haddii ay ka baxdo ay dhibaato weyni soo gaarayso dawladnimada Soomaaliya , sababtoo ah dalku maleh wax soosaar dhaqaale oo suragal ka dhigaya adeegga dawladda , waxaana dhaqaalaha dawladda federaalku ku koobanyahay dhaqaalaha ka soo baxa caasimadd Muqdisho, oo isugu jira ; canshuurta , dekedda iyo garoonka diyaaradaha, oo hababka ka baxsan ee shatiyada kalluunka uu ku jiro waa kuwa aan wax u tarin dhaqaalaha dawladda federaalka.

Daruuftan waxay keentay in deeq bixiyaashu noqdaan, kuwa isku keena hoggaanka siyaasadda Soomaaliya, mar kasta oo muddo xileedka dawladeed uu soo dhammaan rabo, waxaa sare mara khilaafka siyaasadeed. Waxayna doorashooyinku ku dhacayeen habab ay cadaadiyaan deeq bixiyaasha ama beesha caalamka, sababtoo ah inta badan madaxweynayaasha waxay xilka ka degaan, iyagoo waqti dheeraad ah ku darsaday muddo xileedkii loo dhaariyay, mid kastana wuxuu soo muujiyaa doorashada uu doonayo inuu qabto inay tahay mid uu ku xaqiijin karo sidii uu xukunka ku sii joogi lahaa , tani waxay khasabtaa inuu ugu dambeyntii madaxweyne kaste qabto doorasho lagu cadaadiyay oo aan isaga u daneynayn , sababtoo ah doonista madaxweynayaasha kaliya waa mid u dhacda iskuday ee waligood howl uma qaban , si uu u xaqiijiyo inuu xukunka sii joogo, oo madaxweynaha doonaya inuusan ka bixin xafiiska, waa mid aan waligii qorsheyn habab waxtar u ah dalka iyo dadka oo u suragelinaysa taageerrada dadweyne, sida ; inuu dhiso dawlad xooggan oo ah midda ay muddada dheer ku taamayaan dadka Soomaaliyeed oo danaha qaranka u adeegta,fulisa shareecada ( si aad shareecada u fuliso, ma aha wax kalee ee waa dhismaha nidaam caddaalad ah ‘ hoggaamiye gaal ah, haddii uu xataa dhiso nidaam caddaalad ah , wuxuu fuliyay shareecadda’) , waxa kale ee ay doonayaan dadka Soomaaliyeed , waa nidaam usoo celiya karaamadooda ka luntay, leh nidaam awoodeed oo ku filan amniga , dibna u soo celiya xasilloonida iyo adeeggi bulsho ee dawladeed oo ay ku jirto kala dambeynta iyo in dib awood loo siiyo hay’adihii dawladeed , si dalku ugu muuqdo ‘dal’, laakin si taa ka duwan madaxweyne kasta oo doonayo inuu sii joogo xafiiska, wuxuu iskudaygiisa ku kacaa iyadoo waxa uu dalka u taray iyo waxa uu ka haleeyay ay mararka qaar is la’egyihiin, taa oo dhalisa diidmada adag ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Marxaladda hadda lagu jiro ayaa ah in looga baahanyahay hoggaanka siyaasadda inay dhisaan waji siyaasadeed oo midnimo ay ka muuqato, halka mas’uuliyadaa ay ku dhacayso waa hoggaanka dawladda , gaar ahaan madaxweyne Xasan , oo tallaabooyinka uu u qaado dib u heshiisiinta siyaasadeed ay ku xiranyihiin kaalmada uu helayo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika , in la helo kaalmadaa ayaa madaxweyne Xasan u suragelinaysa helida jawi siyaasadeed oo isugu awoodda leeyahay , oo xataa uu ku gaari karo ku darsiga muddo xileedka caadada ka noqotay xukunka Soomaaliya , balse haddii aan la helin kaalmada amni , waxaa imaanaya cadaadis saameynaya xukunka , markaana madaxweyne Xasan ma noqonayo cidda qoraysa shuruudaha iyo jadwalka doorasho. Kullankii u dambeeyay ee Kampala ee loogu raadinayay kaalmada ciidanka Midowga Afrika , waxaa loo xilsaaray madaxweynaha Uganda , Yoweri Museveni inuu kormeero ama hoggaamiyo hannaanka lagu dardargelinayo dadaallada dhaqaalaha loogu raadinayo oo si dhaqaalaha loo helo shuruudaha ay ku jirto in Soomaalidu ay xal u helaan arrimaha siyaasadda iyo kala aragti duwanaasha ka billaabanaya dawladda Federaalka iyo dawlad-gobolleedyada oo ay xigto siyaasiyiinta oo iyagana doonaya in la xaqiijiyo hannaanka doorashada, maaddama lagu soo dhawaaday waqtiga uu dhammaanayo muddo xileedka dawladda. Arrimahan waxaa la doonayaa in xal loo helo ka hor bisha July, ee sannadkan, haddii aysan taa dhicin Museveni, wuxuu iskudayi doonaa inuu badbaadiyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika , markaana uu farageliyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya , si looga gudbo caqabada siyaasadeed ee helitaanka dhaqaalaha howlgalkan uu wajahayo, sababtoo ah wax ka badan 7 milyan oo dollar ayay Uganda bil walba ka heshaa ciidanka ka jooga Soomaaliya , taa oo u ah dhaqaale iyo saameyn uu doonayo inuu sii heysato Museveni.

Mareykanka , oo ah deeq bixiyaha ugu sarreeya Soomaaliya ayaa hadda ka soo taagan inuu buuxiyo doorkiisa, oo waxaa soo baxaya markan in Mareykanka uu doonayo qondo dhaqaale la mid ah midka ay bixinayaan ururrada iyo dalalka kale inuu bixiyo , halka uu markii hore ololaha dhaqaale aruurinta iyo inta ugu badan uu hoggaamin jirin, tan waa caqabad kale oo uu wajahayo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, balse arrima oo dhan xal kooda waa mid ku xiran dadaalka uu bixiyo iyo sidda uu u dhaqmo madaxweyne Xasan.

Xaaladan, waxay Soomaaliya wajahaysa xilli uu jiro olole dalka dhexdiisa ka socda oo quwada iska soo horjeeda ay ku tartamayaan sidii ay ku xoojin lahaayeen joogitaankooda, tana waxay u baahantahay maareyn dhab ah oo ku dhisan siyaasaddo iyo iskaashi wax wada qabsi ah oo aan waxba u dhimeyn midnimada dalka, waxtarna u noqon kara dawladinimada. Mid ka mid ah waxyaabaha la filan karo haddii laga gudbo caqabada ka taagan dhaqaale u helida howlgalka Midowga Afrika , waa in la arki karo isbeddelo kale oo dalka ka dhacaya , iyadoo halka u horreeya ee isbeddelka laga arki karo ay tahay tartanka xooggan ee hadda Soomaaliya ku dhex maraya Turkiga iyo Imaaraadka Carabta , markii u horreysana haddii waqti hore loo helo dhaqaalaha howlgalka Midowga Afrika , waa la arki karaa dawladda federaalka oo ka hor imaanaysa Imaaraadka Carabta oo saameyn ku leh dawlad-gobolleedyada, halkaa oo caqabad siyaasadeed ay ka wajahday dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan, oo saacadaha iyo maalmaha ina soo aaddan ay muhiim u yihiin.

W/Q Iman Jamac

Related posts

Safiirka dowladda Denmark oo raaligelin ugu tagay Wasiir Axmed Fiqi (Sawirro)

Cabdi Cade

Xubnaha Jubbaland uga mid noqonaya Guddiyada doorashada oo la Magaacabay (Akhriso)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Wasiir hortagay kulankii xubnaha labada aqal oo su’aalo adag la weydiiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---