Dhalinyaro katimid Hargeysa oo dooneysay in ay ku biiraan Al Shabaab oo la qabtay

Ciidamada booliiska dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo dhalinyaro ah oo ka timid magaalada Hargeysa, kuwaa oo la sheegay in ay kusii jeedeen deegaan Al Shabaab maamulaan.

Taliyaha Ciidanka ilaaliya baraha koontaroolada ee Gobolka Galgaduud Dhamme Cabdi yare ayaa Warbaahinta u sheegay in bar koonatrool lagu qabtay labo nin uu sheegay in ay ka yimaadeen Hargeysa kuna sii jeedeen  deegaanka Luuq-jeelow ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay taliye Cabdi Yare in dhalinyaradan doonayeen in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab kuna wajahnaayeen deegaanka Luuq-Jeelow uu tilmaamay in ay kusoo qaadan lahaayeen tababar dagaalyahanimo.

Sargaalkan katirsan booliiska Galmudug ayaa sheegay in ay heleen xogta labadan nin oo lagu kala magacaabo Jaabir Xassan Diiriye iyo Yuusuf Cabdirisaaq uu xusay in Al Shabaab kaga soo biireen Hargeysa una socdeen hada sidii ay tababar usoo qaadan lahaayeen.

Cabdi Yare ayaa sheegay in dhalinyaradan qirteen in lagu shubay fikirka Al Shabaab ayna kamid yihiin dhalinyaro dhoor ah oo laga dhaa dhiciyay in ay ku biiraan Al Shabaab soona qaataan tababar ku aadan sida loo dagaalamo dadkana loo dilo.

Dhalinyaro badan oo ka kala timid deegaano kala duwan ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku biiray kooxda Al Shabaab oo wali maamusha awood badana ku leh deegaano iyo degmooyin badan oo dalka kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -