Go’aanno kasoo baxay shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Maamulka Somaliland

Fadhigii 127aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu lafo-guray qodobbo kala duwan oo salka ku haya sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan gudihiisa loo diyaar garoobayo iyo qorsheyaasha guud  ee dhinaca maaliyadda, amniga iyo shilalka gaadiidka ee marba marka ka danbaysa sii badanaya.

Ugu horayn, Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga  ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo xog-waran golaha ka siiyey xaaladda amniga ee dalka iyo midda geeskaba iyo diyaar garawga xuska sannad Guurada 34aad ee dib ula soo noqoshadii Somaliland ee 18-May oo gudaha iyo dibeddaba ay ka socdaan abaabul xooggan oo la xidhidha qadiyadaha madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay, wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Maxamed Habbane iyo Horumarinta Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) waxaanay dhammaantood golaha warbixin guud ka siiyeen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan wasaaradahaasi iyo qorsheyaasha sannadkan lagu jiro u degsan.

Dhinaca kale, goluhu waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo la xidhidha danaha qaranka iyo kuwa bulshadaba, kuwaas oo kala ah;-

1. In la Aas-aaso sanduuqa horumarinta qaranka laga bilaabo 2025-ka, iyadoo habraaca lagu maamulayo ay soo diyaariyaan wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka.

2. Goluhu waxa uu xoojinayaa go’aamadii hore uga soo baxay shirarkii hore ee la xidhiidhay in mashaariicda horumarineed ee ay  Somaliland ka hesho beesha Caalamka aan cid kale loo soo marin ee wixii ay xaq u leedahay toos loogu soo hagaajiyo.

3. Tirada Dadka  Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay.

4. In tallaabo sharci oo deg-deg ah laga qaado arrimaha soo noq-noqday ee sababa shilalka gaadiidka ee naf iyo maalba ee dhibaatada ku haya dalka iyo dadkaba, iyadoo loo saaray guddi ka kooban wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo laamaha amniga ee arrintaasi khusayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -