Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo bogaadiyay Guddiga Doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo uu weliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ka hadlay shaqada baaxadda leh ee uu Guddiga ka qabtay Doorashada, gaar ahaan Diiwaangalinta Codbixiyayaasha iyo arrimo kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa bogaadiyay howlaha waxtarka leh oo ay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha u hayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, oo muwaadinta awoodsiineysa isla markaana dhiirigelineysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka

Guddiga doorashooyinka Qaranka, ayaa magaalada Muqdisho hadda ka wada diiwaangelinta codbixiyaasha, waxaana hadda degmooyinka qaar iska diiwaangeliyay dad aan sidaasi u badneen, waxa ayna dowladda ku adkeysaneysaa in doorasho la qaban doono.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowladda oo dilay Xubno katirsan Al Shabaab soona bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay haweenka ka tirsan labada Aqal? (Sawirro)

Caydiid Ali

Isra’il oo dhiseysa Deegaan cusub oo loogu magac daray Trump (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---