Laba Maxbuus oo Warqad hadal heyn abuurtay ku reebay Xabsi ay ka baxsadeen !!

Saxaafadda Talyaaniga ayaa aad u hadal heysa sheekada laba maxbuus oo ku xirnaa jeelka Rebibbia kuwaas oo – kahor inta aanay ka baxsan xabsiga – ku dhaafay warqad ay ku muujinayaan sababta ay u baxsanayaan. Waxay sidoo kale balanqaadeen inay kusoo laaban doonaan laba toddobaad kaddib.

Labada maxbuus oo la kala yiraahdo Davad Zukanovic, 40 iyo Lil Ahmetovic, 46, ayaa halgan adag oo dheer kaddib ku guuleystay inay banaanka uga soo baxaan xabsiga, laakiin sheekada la yaabka leh waxay tahay inay sabab u yeeleen baxsashadooda.

Labada nin oo walaalo ah waxay sheegeen inay soo xaliyaan xaalad ka dhex jirta qoyskooda, balse ay ku soo laaban doonaana xabsiga durba marka ay kasoo dhammaadaan xalinta mushkiladdii ku qaaday inay baxsadaan.

Muddo 15 cisho ah ayay qabsadeen inay kusoo laabtaan gudaha xabsiga, balse macadda haddii ay fulin doonaan balanka ay qaadeen iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -