Allbanaadir.com
NEWS

Ciidano katirsan dowladda oo Markab dagaal dushiisa Tababar ku qaatay (Sawirro)

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ,gaar ahaan kuwa ilaalada xeebaha ayaa dusha sare ee markab nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin Midowga Yurub ku qaatay tababar la xariira ilaalinta xeebaha.

Hawlgalka ciidamada Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya loona yaqaano (ATALANTA) ayaa siiyay tababarka saraakiil iyo ciidamo katirsan ilaalada xeebaha , waxaana lagu dul tababaray markabka dagaalka ee lagu magacaabo Canarias ee leedahay Spain.

Tababarkan ayaa xambaarsanaa qaababka la-dagaalanka burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maalgelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha argagixisada.

Tababarkan ayaa waxa uu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeenayo ciidanka ilaalada Xeebaha ee Booliiska , sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo ka walaacsan xaalada cakiran ee ka taagan Maamulka Galmudug

Caydiid Ali

(Sawirro) Ilyaas Lugatoor oo xariga ka jaray laami qurux badan oo laga dhisay..

Caydiid Ali

Maxaa ka jira iney Israel weerartay Xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---