Allbanaadir.com
NEWS

Dad loo xiray falkii lagula kacay Madaxweyne William Ruto

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa xiray saddex qof oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen kabo lagu dhuftay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, xilli uu hadal u jeedinayay dadweyne taageersan oo isku soo baxay.

Baraha bulshada, ayaa lagu baahiyay muuqaallo laga duubay Madaxweyne Ruto oo kabo lagu dhufanayo shalay xilli uu galbeedka Kenya uu socdaal kummarayay dadweyne kula hadlayay, waxa ayna dhacdadan abuurtay hadal heyn badan.

Booliiska, ayaa baaritaanno ku bilaabay saddexda qof ee lagu tuhmayo qalqal gelinta amaanka Madaxweynaha, waxaana dadkan la weydinayana sababta ku kaliftay in Madaxweynaha dhibaato gaarsiiyaan ayna ku tuuraan kabo.

Falkan waxaa si adag u cambaareeyay taageerayaasha Madaxweyne William Ruto, kuwaa oo ku baaqayay in tallaabo adag laga qaado dadkii ka dambeeyay kabaha Madaxweynaha lagu tuuray, ciidamada amaanka ayaana si weyn u adkeeyay amiga Madaxweynaha xilliga falkan dhacayay.

Sannadkii 2008-dii Wariye u dhashay dalka Masar oo ka careysnaa dhibaatada ciidamada Mareykanka ka geesteen dalka Ciraaq, waxa uu kabtiisa ku tuuray kuna dhuftay Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W. Bush.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeeyay Galmudug iyo hubkii iyo ciidankii la geeyay dhuusamareeb oo xaalad cakiran galiyay ….

admin

Taliye Xijaar oo sharaxaad ka bixiyey howgalkii saaka ka dhacay degaanka Basra

Caydiid Ali
Taboola Ads ---