Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo ku hanjabay in Xuutiyiinta ka aargudan doonaan

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa wacad ku qaaday inuu ka aargudi doono Xuutiyiinta kadib markii gantaal ay kooxdaasi soo ridday uu ku dhacay dhul ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil.

Muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada, Netanyahu wuxuu ku hanjabay duqeymo, isagoo yiri: “Waan u weerarnay horey, waanan weerari doonnaa mustaqbalka.”

Gantaalka oo laga soo tuuray Yemen, ayaa waxaa adeegsaday kooxda ay taageerto Iran, wuxuuna ku dhacay agagaarka terminal-ka weyn ee garoonka Ben Gurion subaxnimadii Axadda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in afar qof ay ku dhaawacmeen qaraxa, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen intii ay Israa’iiliyiin badan raadsanayeen goobo ay gabaad ka dhigtaan. Ma jiro qof si daran u dhaawacmay uu dhaawiciisu halis yahay.

Gelinkii dambe ee Axadda, Xuutiyiintu waxay ku hanjabeen in ay “cunaqabatayn dhanka cirka ah oo dhammeystiran” ku soo rogi doonaan Israa’iil, iyagoo si isdaba joog ah u weerari doona garoomadeeda diyaaradaha, taasoo ay kaga jawaabayaan qorshaha Israa’iil ay ku ballaarinayso howlgalkeeda militari ee Qasa.

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa isna yiri: “Ciddii na weerarta, toddobo jeer ayaan ka aarguda doonnaa.”

Hadal mar dambe kasoo baxay Netanyahu ayuu ku sheegay: “Weerarrada Xuutiyiintu waa kuwo ka yimaada Iran,” wuxuuna intaas ku daray in Israa’iil ay ka jawaabi doonto weerarkaasi Xuutiyiinta iyo Iran, “goorta iyo goobta aanu annagu dooranno.”

Muuqaal aan la xaqiijin oo lagu baahiyay internet-ka ayaa muujinaya darawallo wadada hareeraheeda tuban iyagoo gabaad raadsanaya, halkaas oo gantaalku ku dhacay, iyadoo ay ka kacday uuro madow meel u dhow garoonka, oo ku yaalla duleedka Tel Aviv.

Gegida diyaaradaha iyo duullimaadyada ayaa hadda dib loo furay, ka dib markii ay si ku meel gaar ah u joojiyeen -inkasta oo dhowr diyaaradood oo waaweyn oo ay ku jiraan Lufthansa, Air France iyo Delta, ay baajiyeen duullimaadyadii Axadda ee garoonka.

Seeriga digniinta ayaa laga hawl galiyay meelo badan oo dalka ka mid ah markii uu gantaalku ku soo dhawaaday – waxaana ciidamada cirka ee Israa’iil ay sheegeen in ay baarayaan in lagu guuldaraystay in ay qabtaan.

Isagoo soo xiganaya ilo difaaca, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in nidaamka difaaca hawada ee fallaaraha ee riddada dheer ee Israa’iil iyo qalabkaTerminal High-Altitude Area Defense (Thaad) oo uu Maraykanku sameeyay ay ku guul-darreysteen inay ka hortagaan gantaalka.

Taliye sare ee booliska Israa’iil Yair Hetzroni ayaa weriyayaasha tusay bohol uu sameeyay gantaalku, kaas oo maamulka madaarku ay sheegeen in uu ku dhacay dhinac waddo u dhow Terminalka saddexaad oo baabuurta la dhigto.

“Waxaad arki kartaa goobta naga danbeysa, dalool la furay oo gaaraya tobanaan mitir oo qoto dheer,” ayuu yiri Hetzroni, isaga oo intaa ku daray inuusan jirin khasaare weyn.

Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu la kulmo wasiirada iyo saraakiisha difaaca si uu ugala hadlo arrintaan dhacday ee saameynta yeelatay .

Xuutiyiinta oo ah jabhad ay Iran taageerto oo fadhigoodu yahay dalka Yemen, ayaa si joogto ah weeraro gantaallo ah ugu qaada Israa’iil iyaga oo garabsiinaya Xamaas oo Qasa kula dagaallamaysa Israa’iil, balse waa dhif iyo naadir in mid ka mid ah uu soo maro difaacyada casriga ah ee Israa’iil.

Kooxdan ayaa sidoo kale weeraro ku qaaday maraakiib marayey badda cas, taas oo uu Maraykanku kaga jawaabay in inuu kordhiyo duqeymo ka dhan ah kooxda oo lagu qaadayo qaybo badan oo ka mid ah dalkaas Yemen.

Related posts

Ganacsatada Muqdisho oo ka cabanaya Dhac iyo boob lagu hayo Suuqa Bakaaraha (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo qaabilay danjire Andreas Von Vexkull & xubno uu horkacayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo mar kale todobaadkan booqan doona dalal ka tirsan Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---