Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Kenya oo Maxkamad soo taagtay Mr. Karutha Githaiga

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka u tababaran ee Booliska dalka Kenya ayaa la xiray, kadib markii lagu eedeeyay inuu doonayay inuu ambaboxo Somalia, si uu ugu biro kooxda Al-Shabaab.

Mr. Karutha Githaiga oo 33 jir ah ayaa maanta ka soo muuqday Maxkamad ku taalla magaalada Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Saraakiisha ciidamada la-dagaalanka argagixisada ee Kenya ayaa sheegay inay baarayaan sababta keentay inuu sarkaalkan booqdo xarumaha Booliska dalkaasi qaarkood, iyadoo aysan jirin cid amar ku siisay iyo howlo looga diray toona.

Xarumaha la sheegay inuu booqday waxaa ka mid ah saldhigyada Ciidanka ee magaalooyinka Nairobi, Lamu, Malindi, Garsen, Garissa, Elwaq iyo Mandera inta uusan isku dayin ku biiritaanka Al-Shabaab.

Mr. Githaiga ayaa sheegay inuu u tagay magaalada Mandera si uu ugu noolaado, waxaana uu iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka la daagalanka Argagixisada ee Kenya ayaa diiday in eedeysanaha damaanad lagu siidaayo, isagoo amray in xabsiga lagu sii hayo, inta baaritaankiisa laga dhameystirayo.

Dowladda Kenya ayaa u maaro u la’ shaqsiyaadka ka soo jeeda dalkeeda ee ku biiraya Al Shabaab, kuwaasoo damacoodu yahay dhaqaale ay aaminsan yihiin iney ka helayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Gobolka Banaadir oo caawa burburiyey Jardiinadii ugu horeysay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Xudur oo looga diyaar garoobay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Laftagareen iyo Qoor-qoor oo ka qeyb galay shir Wadatashi ah oo Baydhabo ka socda (Sawirro)

Cabdi Cade