Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wadiiradda Soomaaliya oo maanta ansixiyay saddex heshiis oo dowladda gashay ( Daawo Sawirada)

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Related posts

(Akhriso) Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Guddiga doorashada Gobolada woqooyi

Caydiid Ali

(Akhriso) War-Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Dowlada Somalia & dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Gaari uu lahaa Taliye ciidan oo la qarxiyay iyo Faah faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---