Ciidamadii Jabhadda ONLF ka joogay Eritrea oo laga dejiyey Jigjiga (Daawo Sawirro)

Ciidamadii Jabhadda ONLF ee xoreynta Soomaali Galbeed, kuwooda gaarka ah ayaa laga duuliyey magaalada Asmara iyagoo ka degay magaalada Jigjiga ee dowladda Soomaalida Itoobiya.

Ciidamadan oo aan hub wadan ayey diyaarad ay leedahay shirkadda Ethipian Airlines ka qaaday magaalada Asmara.

Ciidamada ONLF waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka Garad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga, iyadoo dadweyne badan ay isugu soo baxeen.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis dhexmaray dowladda Itoobiya iyo ONLF oo ururkaasi ku ogolaaday inuu noqdo urur siyaasadeed iyo xisbi aan hubeysneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -