Madaxweyne Siciid Deni oo ku wajahan magaalada Nairobi iyo xog ku aadan Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii lasoo dhaafay safar gaar ah ugu maqnaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Siciid Deni ayaa wararku sheegayaan in magaalada Nairobi u imaanayo sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa wakiillo katirsan beesha Caalamka oo fadhigooda yahay Nairobi, kuwaa uu kala hadli doono xaalada dalka , gaar ahaan tan deegaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaana inta uu joogo magaalada Nairobi sidoo kale la kulmi doona saraakiil katirsan dowladda Mareykanka, kuwaa uu kala hadli doono xaalada burcad-badeeda dib uga dilaacday deegaannada Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan xaaladda isbeddelka leh ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha burcadbadeeda, argagixsada iyo xiisadda ka taagan badda cas, waxaana hadda ay u muuqataa mid wax ka beddalaysa siyaasadeedi Geeska Afrika ee 12 sano ee la soo dhaafey.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa inta uu Nairobi joogo sidoo kale la kulmi doona madaxda hay’adaha gar gaarka, kuwaa uu kala hadli doono sidii ay gacan uga geesan lahaayeen xaaladaha ka jira deegaannada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -