Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Khaatumo iyo Galmudug oo Muqdisho isku arkay (Sawirro)

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo,  Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha dowlad goboleed Galmudug Md. Axmed. Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ oo isna Muqdisho soo gaaray.

Booqashada hoggaamiyaha SSC Khaatumo ugu tagay Madaxweyne Qoorqoor , ayaa  ahayd salaan iyo is-xogwaraysi, waxa ayna labada masuul iska xaal wareesteen xaaladaha ka jira labada maamul ay kala hoggaamiyaan .

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Madaxweynaha maamulka Galmudug, isagoo sidoo kalana ku ammaanay doorka shariifka ah ee ku qaadanayo dadaalada dib-udhiska dowladnimada Soomaaliya.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Khaatumo, ayaa magaalada Muqdisho usoo gaaray ka qwyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dib uga dhacay xilligii la qorsheeyay, waxaana la filayaa in shirka maalmaha soo socda ka furmo Muqdisho, xilli ay ka maqan yihiin maamulada qaar.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Mooshinka laga gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Cabdi Cade

Xamse Barre oo Nairobi kula kulmay Xildhibaanada Soomaalida Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---