Qaybta 2 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

Cawaaqib Xumada Xasillooni Darrada Siyaasadeed :-Taariikhda dhow ayaa dhigaysa in aan cidna ka faa’iidin is–qabqabsiga iyo xasillooni darrada siyaasadeed. 2013 kii, madaxweynihii markaas la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu geliyey awood siyaasadeed oo ballaaran sidii uu u joojin lahaa dhisiddii Jubaland oo markaas curdan ahaa, isaga oo ku doodayey in si aan xalaal ahayn loo hirgeliyey gobolkaas, dal ajnabi ahna uu ku daabnaa. In kasta oo dowladdii federaalka ee xilligaas ay haysatey qiilal qaarkood loo qaateen ahaa oo la xiriiray hannaanka iyo loo-dhammaan la’aantii samaynta Jubaland, haddana, sida ay dowladdu u isticmaashay awooddeedii waxa ay noqotay mid aysan mahdin, una xaqiijin rabitaankeedii. Dhammaadkii 2013-kii, dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh, waxay ku khasbanaatay inay Jubbaland wadahadal nabadeed oo ay Itoobiya garwadeen ka tahay kula gasho Addis Ababa.

Xasan Sheekh-na kuma uu guul-darraysan oo kaliya dagaalkii uu uga horyimid dhisidda Jubbaland, balse waxaa kale oo uu ku guul-darraystay iska caabbinta faragelinta dibadda, kuwaas oo mar walba isha ku haya, gol-daloollo ay gacma-gacmaynta arrimaha gudaha ee Soomaalida uga soo dusaan. Heshiiskaas Jubbaland ayaa ku guulaysatey oo heshay intii badnayd wixii ay dalbanaysey, dowladdii federaalkuna waxa ay ku khasbanaatay in ay wax badan u deyso Jubbaland, wadahalkaasna waxa kale oo ay dowladda federaalku kala soo rogmatey nugeyl iyo in laga gacan sarreeyey.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh cashar weyn ayuu ku qaatay loollankii lagu legdey ee uu la galay Jubbaland. Casharkaasi waxa uu ahaa: in waddada kaliya ee u furan waddan colaad kasoo kabanaya –awoodda iyo khayraadkana lagu muransan yahay – in ay tahay in talada la wadaago, taas oo weliba ah arrin ku qeexan dastuurka.

Weliba, Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu si faro–ka–gubasho ah u fahmey in aalaaba goboleedyadu, marka siyaasad ahaan loo eego, ay yihiin bumbo qarxaysa oo kale, una baahan in si taxaddar leh loo maareeyo.Sanadihii danbe, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu ammaanaa inuu hormuud ka ahaa dhismaha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, in kasta oo marar badan hirgelinta goboleedyadaas ay u ekaayeen hawlo aanba suurtagal noqon karin.

Sidoo kale, Xasan Sheekh waxaa lagu ammaanaa hirgelintii Madasha Hoggaanka Qaran oo markii dib loo milicsado ahayd gole tala-wadaag, oo ay ka dhexeysay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Inta badanna, inkasta oo madashaas aanay ahayn mid ceeb-ka saliin ah, haddana, madashu waxay ahayd gole talo midaysan oo wadaroggal ahaan go’aamada waaweyn ee dalka oo idil lagu gaarayey. Dowlad goboleedyaduna talada guud ee dalka wixii ay ra’yi ka qabaan madashaan ayay si xanaf la’aan ah oo ama toos ah ama dadban usoo dhex marsan jireen, waxayna kaloo ahayd gole talawadaagga iyo kalsooni dhisidda qayb ka qaadatay. Maanta, waxaa la la’yahay dareen iyo aragti garowsan inaan la is huri doonin.

Dowladda federaalka ah waxa ay u eg tahay mid ay ka go’an tahay inay muquuniso dowlad goboleedyada iyo mucaaradkeeda kale ee Muqdisho ku sugan. Mana ahan taasi mid ay tabarteeda leedahay. Dhanka kale, dowlad goboleedyada waxaa iyana ka go’an inay iska caabbiyaan dowladda dhexe, jidkay doonaan ha u maraane, xitaa haddii ay noqoto inay faraqa ku xirtaan quwado shisheeye. Sii socoshada isqabqabsiga iyo ficiltanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxay wax yeelaynayaan danaha labadaba iyo midda dalka, ha noqoto dan siyaasadeed, mid dhaqaale ama kuwo amni. Bilihii lasoo dhaafay, illaa intii iyagu ay isku jeesteen, is-qab-qabsiguna uu cirka isku shareeray, hawlgalladii Al Shabaabka lagu wajahayey waxaa galay hakad. Madaxda maamul goboleedyadu waxay ku mashquulsanaayeen is difaacid, si aan loo marsiin jidkii madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble. Iska daa inay ka mashquuleen dagaalka cadowgooda Al shabaab iyo Daacish, waxay kaloo dayaceen labada heer dowladeed inay dadka ay xukumaan gaarsiiyaan adeegga ay mudan yihiin iyo inay u banbaxaan hawlaha kale ee kalaguurka ee dhammaystirka dastuurka, sugidda aminga iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Dhanka kalana, madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan Galmudug, Hirshabeelle iyo weliba Puntland waxay la gebi-dhac-laynayaan xal u helidda khilaafyo gudaha uga furmay. Gaar ahaan Galmudug, oo aadba mooddo in ayba burbur qarka u saaran tahay, wuxuuna maamul goboleedkaan nugul si degdeg ah ugu baahan yahay gurmad iyo badbaadin intii aysan xaaladdiisu gelin meel aan wax ka qabasho lahayn. Hirshabeelle-na waa gobol kale oo weli aan si dhamaystiran u dhismin, lana daalaa-dhacaya faragelin dowladda federaalka lagu eedaynayo. Inkasta oo Madaxweyne Waare uu dhawaan shaaciyey in xiisaddii dowladda federaalka kala dhaxaysay la qaboojiyey, haddana, waxa uu carrabka ku adkeeyey in dowladda Madaxweyne Farmaajo ay si niyad ah ula xaajooto goboleedyada. Mana aha markii koobaad oo Waare uu dowladda federaalka ah la heshiiyey, oo waxaa jira is-afgaradyo hore oo miro dhal noqon waayey, wakhtiga ayaana sheegi doono inta ay is-afgarashadan sii jiri doonto.

Puntland, xaaladdu sida Galmudug uma calawsana, inkastoo ay welwelkeeda leedahay. Waa arrin ugub ah in madaxwyne-ku-xigeen – dastuur ahaan iyo xaqiiqo ahaanba awooddiisu xaddidan tahay – in uu bannaanka ula soo baxo mucaaradnimada madaxweynihiisa. Taariikh ahaan, madaxweyne ku–xigeennada Puntland, waxa ay ahaayeen kuwo madaxweynayaashooda la shaqeeya. Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiim Camey, waxa uu si joogta ah uga biyo diidsanaa go’aammada Golaha Iskhaashiga Dowlad Goboleedyada, oo ay ku jirto go’aammadii kasoo baxay kulankii ugu danbeeyey ee ay ku hakiyeen xiriirka dowladda dhexe. Diidmadiisu ma saamayn jirin Puntland, laakiin, maaddaama doorashadii madaxweynaha Puntland ee Janaayo 2019 ay soo dhawaatay, madaxweyne Gaasna uu Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada uu guddoon u yahay, gadoodka madaxweyne-kuxigeenkiisa waa mid, haddii uu Gaas tartamayo, dibu-doorashadiisa dhantaali karta. Madaxda Kuufur Galbeed iyo Jubbaland qudhooda waxaa kusoo fool leh doorasho madaxweyne, bilaha soo socda.

Waxayna ku doodayaan in dowladda federaalku ay caawinayso mucaaradkooda ayna ka go’an tahay in aysan madax sii ahaan. Ama dareenkaas run ha noqdo ama yaanu noqonine, labada dhanacba waa isku tafo-xayteen. Jubbaland xaaladdeeda ayaana sii wel-wel badan, siyaasad iyo amni ahaanba. Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu ka cabanayey in dowladda federaalka in ay xasillooni darro ka waddo gobolkiisa iyada oo ku kicinaysa siyaasiyiin gobolka Gedo kasoo jeeda, kuwaas oo la hayb ah Madaxweyne Faramaajo. Weligeed, Soomaaliya loollanka qabaa’ilka wuxuu ka ahaa arrin khatarteeda leh, isku dhacna si fudud u keenta, magaalada Kismaayana kuma sii jirto, oo magaaladaas dekedda ah, waxa ay ahayd meel ay ku loollamaan beelaha ay kasoo jeedaan Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe. Somaliland xitaa kama aysan fakan haraatida dowladda federaalka ah.

Bilo kahor, dowladda federaalka waxa ay deeq bixiyayaalka amartay inaysan si toos ah Somaliland caawimo iyo deeqo horumarineed u siin karin, iyadoo aan dowladda dhexe oggolaansho laga qaadan. Tallaabadaasna dowladdu waxay ku baddeshey siyaasad illaa sannadkii 2000 lagu shaqaynayey oo ahayd inaan la siyaasadayn, laysna hortaagin wixii deeq iyo horumarin ah oo ku socda deegaannada Somaliland.

Dowladdihii isaga dambeeyay dalka waxay kala duween hadafkoodii ahaa dibu mideynta dalka iyo arrimaha bini’aadamnimada iyo kuwa horumarinta Siyaasaddaas ayaa ahayd mid Somaliland iyo Soomaalida kalaba u shaqaysay, ayna isla oggolaayeen. Siyaasadda cusub ee dowladda federaalku waa hubaal inay sii murjinayso wadahadalladii Somaliland ee awalba hakadku galay.

La Soco Qaybta 3 aad INSHA ALLAH

Qore:- Mohamed Abdi Adan –Xoosh

Mugadisho-Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -