Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Xog) Dacwad Xasaasi ah oo ka dhan ah Guddoomiye Gabeyre oo loo gudbiyey Madaxda DF

Qaar ka mid ah ganacsatada Muqdisho ayaa dacwad u gudbiyey xafiisyada madaxda sare ee dalka taasoo ka dhan ah hogaanka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Xubnaha dacwada gudbiyey ayaa iskugu jira madaxda qaar ka mid ah Shirkadaha isgaarsiinta, kuwa Xawaaladaha, milkiilayaasha xarumaha waaweyn ee ganacsiga iyo kuwo kale oo wax badeecadaha daruuriga ah soo geliya dalka, waxna dhoofiya.

Waxyaabaha lagu eedeynayo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo gudoomiyahooda Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre waxa ka mid ah iney gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday, ayna dayaceen adeegyadii rugtu u heysay ganacsatada Soomaaliyeed sidoo kalena ay xoog ku heystaan rugta.

Si gaar ah hogaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha waxaa lagu eedeeynayaa iney gabeen waajibaadkii ka saarnaa inuu wax ka qabto caqabadaha soo wajaha ganacsatada, taas bedelkeedna ay qeyb ka yihiin dhibaatada lagu hayo saaxiibadood ay isku mihnada yihiin.

Arrintan ayaa waxay ka dhigan tahay inuu dib u soo labo kacleeyey khilaaf xooggan oo muddo dheer ka taagnaa hogaanka Rugta iyo ganacstada Soomaaliyeed oo u arkayey in heyadaas ay danahooda gaarka ah ku fushadaan shaqiyaad gaar ah.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa muddooynkii danbe lagu dhaliilayey doorasho la’aan iyo in muddo dheer ay xilka sii hayeen maamulka hadda jira.

Madaxda sare ee dowladihii hore ayaa ku fashilmay iney wajahaan xalinta khilaafaadka mudada dheer ragaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo heyadda metesha.

Dowlada Soomaaliya iyo Rugaha ganacsiga dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaa marar badan isku dayey in meesha laga saaro Gudoomiye Gabeyre oo lagu eedeeyey ku takri fal, waxqabad la’aan iyo ficilo lidi ku ah isla ganacsatadii uu metelayey.

Laga soo bilaabo Sanadkii 2018 waxaa tiro ka dhowr jeer wasiiradii soo maray Wasaarada ganacsiga ay kala direen hogaanka rugta ganacsiga ee Guddoomiyaha uu ka yahay mudada 30ka sano ka badan Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, iyagoo isku dayey iney qabtaan doorasho xalaal ah hase ahaatee dhammaan isku dayadaas fashil ayey ku dhamaadeen halka wasiiradaas qaarkoodna ayba xilalkooda ku waayeen faragelinta ay ku sameeyeen rugta ganacsiga.

Gabeyre ayaa la sheegay inuu ka hor tagay talaabooyinkaas xilka looga qaadi rabay isagoo adeegsanaya qabyaalad iyo garab uu ka helay saaxiibo uu ku leeyahay madaxda sare ee dowlada, wuxuuna khilaaf iyo kala qeybin ka dhex abuuray ganacsatada si uu xilka u sii heysto, isagoo qabanayey doorashooyin raad tirasho ah oo rag isaga taageersan ay ku caleemo saarayeen.

Related posts

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Tacsi ugu tagay Qoyska Gabadhii dilka iyo Kufsiga la isugu dara (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Howlgalka ATMIS oo bandow ku soo rogay xerada Ciidamada cirka ee Afisyooni (Akhriso)

Caydiid Ali

DF oo laga dalbaday iney wax ka qabato hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh..

Caydiid Ali