Waxaa jira xogo isi soo taraya oo xaqiijinaya iney dowladda Imeraadka oo kaashaneysa Yuhuuda iney Bossaso ka dhisatay garoon diyaaradeed oo qarsoodiya, Soomaalidana aan loo ogoleyn iney galaan saldhigaas mileteri ee qarsoodiga ah.
Waxaa la rumeysan yahay in saldhigaas uu yahay xaruun geed fadhi u ah shirkado habdhaqan maafiya u abaabul iyo wakiilada maamula maleeshiyaadyo calooshooda u shaqeysteyaala, waxeyna Imeraadku gaboodfalada ay sida dadban u geysanayaan in eedooda ay ku sumado, kuna saantirato Soomaaliya.
Saldhigaas waxaa lagu sameeyaa tijaabooyin halisa oo hubka nuucyadiisa cusuba, waxaana garoonkaas laga soo dejiyaa sahay mileteri iyo lacago, ciidamo calooshooda u shaqeysteyaala oo dhamaan agabkaas iyo maleeshiyaadka loogu daabilayo Sudan, Libiya, Suuriya, Yemen, waxaana sidoo kale mariinkaas la soo marsiiya wixii bililiqo ah oo la soo boobo.
Saldhigaas qarsoodiga ah wuxuu ka turjumaya boog ku taal qaranimada Soomaaliya, waana bar madow oo loo aadeegsanayo burburinta iyo duminta ama daciifinta dowladnimada Soomaaliya, waxaana aan shaki lahayn iney tahay xaruun sirdoon oo loo adeegsado farogelin lagu hayo Soomaaliya iyo wadamada kale oo ah bartilmaameedkooda.
Dowladda dhexe ayey masuuliyad ka saaran tahay iney xaqiijiso inaan dalkeeda looga duulin dal kale oo dagaalo sokeeye laga dhex abuuray, waxaana haboon in lala xisaabtamo madaxda dowlad goboleedyada heshiisyada sirdoon si gooniya ula gelaya dowladaha curiya falaagooyinka, kuwaas oo ku abuura degenaansho la’aan ammi iyo mid siyaasadeed dowladaha la gebidhacleynaya xasilinta dowladahooda dhexe.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)