Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergay cusub iyo fulinta ballamihii uu qaaday…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah i in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.

Magacaabista ergagaygan ayaa dadka siyaasadda falanqeeya aaminsan yihiin in ay qeyb ka tahay xilal badan uu Madaxweynaha u ballanqaaday xildhibaannadii ansixiyay wax ka bedelka afar cutub oo kamid ah dastuurka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog Dheeraad ah oo kasoo korortay Qaabkii uu ku baxsaday Wasiir Janan

admin

Sheekh Shaakir oo cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan Doorashadii uu ku guuleestay Qoor Qoor

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Xamse oo daah-furay dhismaha cusub ee Qeybta baarista danbiyada C.I.D

Caydiid Ali
Taboola Ads ---