Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir qarka u saaran in shaqada laga eryo ka dib fadeexad soo baxday

Waxaa soo baxaya macluumaad cusub oo la xiriira  tahriibiyeyaal Soomaaliyeed oo si musuq ah loogu soo dhex daray wafdi rasmi ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada ee dowladda Soomaaliya kuwaasoo ka qeyb galaya shirka ka dhacaya magaalada Geneva bisha soo socota ee June bartamaheeda.

Wafdiga oo ka kooban 23 xubnood ayaa la sheegay in 17 ka mid ah yihiin dad shacab ah oo aan ka mid aheyn shaqaalaha heyadaha dowlada kuwaasoo lacago badan laga qaatay si loo geeyo qaarada Yurub.

Shabakad isku xiran oo ka kooban madaxda Wasaarada shaqada, heyadda socdaalka iyo hogaanka ururka shaqaalaha ayaa howshan tahriibka ah qeyb ka ah sida ay ogaatay allbanaadir Online.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxda sadexdan heyadood ka dib markii Wasiirka shaqada oo wafdigan horkacaya uu dalbaday in la damaanad qaado soo laabashada dadkan la tahriibinayo oo isku darkooda laga qaatay lacag gaareysa 200 kun oo Dollar.

Wasiirka ayaa ku andacoonaya inuu saaran yahay cadaadis ba’an oo sabab u noqon kara inuu xilka waayo ka dib markii fadeexadan ay gaartay madaxda sare ee dowlada Somalia oo si weyn uga carooday warbixino lagu daabacay allbanaadir Online.

Agaasimaha heyadda socdaalka Mustaf Dhuxulow iyo hogaanka Ururada shaqaalaha Cumar Faruq oo howshan qeyb ku leh ayaa wasiirka u sheegaya in dadkan tahriibka ah ee wafdiga Dowlada darayo aan la damaanad qaadi karin soo laabashadooda maadaama lacag badan looga qaatay in la geynayo Yurub.

Tahriibayaashan wafdiga dowlada lagu dhex qarinayo ayaa 8 ka mid ah waxay heystaan baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliga, 7 ka mid ah waxay wataan baasaboorka service-ka ee loogu tala galay shaqaalaha Dowlada, halka labada soo hartay ay ka heystaan baasaborka dibomaasiga ah oo ay si musuq ah ku bixisay heyada socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Wasiirada & madaxda kale DF ayaa waxaa sanahadan dambe caado u noqotay in marka ay ka qeyb galayaaan shirka ama ay booqanayaan Yurub ay wufuudooda ku dhex qariyaan dad shacab ah oo lacag badan ay ka qaateen si ay u baxsadaan marka la geeyo Yurub.

Related posts

Qeylo dhaan xoogan oo kasoo yeertay Maamulka Somaliland (Daawo Muuqaal)

admin

Axmed Madoobe iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo isku shaandheyn ku sameeyey Golaha wasiirada Somaliland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---