Liiska Xildhibaano Villa Soomaaliya qorsheesay in laga reebo Baarlamaanka cusub oo la diyaariay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay diyaarisay liiska Xildhibaano katirsan Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday iyo siyaasiyiin caan ah oo ay dooneyso in laga ilaaliyo in ay soo galaan Baarlamaanka cusub.

Liiska xubnahan la diyaariyay ayaa waxaa ku jira Xildhibaano badan oo katirsan labada aqal kuwaa oo u badan mucaaradka Madaxweyne Farmaajo, waxaa sidoo kale liiska ku jira siyaasiyiin kale oo Madaxtooyada halis u aragto in ay soo galaan Baarlamaanka cusub.

Sida aan xogta ku helnay xubnaha liiska ku jira qaarkood ayaaba loo sii gudbiyay Madaxda maamul goboleedyada dalka gaar ahaan kuwa taabacsan Villa Soomaaliya, kuwaa oo la sheegay in ay kasii digtoonaadaan xubnahan in Baarlamaanka soo galaan.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta laga ilaalinayo Baarlamaanka cusub ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Beesha Hawiye, waxaa sidoo kale ku jira xubno kale oo iyana kasoo jeeda beelaha kale oo Madaxweyne Farmaajo aragti ahaan kasoo horjeeda.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa noo sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ka go’antahay in ay Baarlamaanka cusub ka ilaaliyaan siyaasiyiin iyo Xildhibaano badan oo siyaasad ahaan Farmaajo kasoo horjeeda.

Xildhibaanada liiskooda la diyaariyay qaarkood oo iyana xogtan helay ayaa ka walaacsan qorshaha Villa Soomaaliya, waxa ayna raadinayaan xeelado kale ay kusoo gali karaan Baarlamaanka cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanadan mucaaradka u badan ka cabsi qaba hadii ay soo laabtaan in ay saameyn ku yeeshaan soo laabashadiisa ayna olole u galaan musharaxiinta kasoo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -