Wasiirka Qoyska iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Xukuumada federaalka Somalia Marwo Khadiijo Al Makhzumi oo ka hadleysay munaasabada ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed badankood lagu guursado hanaanka qarsoodiga ah ee khudbo sirada taasoo ay sheegtay ineysan dhib laheyn.
“Gabdhaha Soomaaliyeed badankood khudbo sireed ayaa lagu guursadaa, dhib ma leh, laakiin waa in diiwaan gelin laga sameeyo oo degmo kasta uu Shiikh joogo” ayey tiri Wasiirada.
Hadalka Wasiir Al Makhzumi ayaa muran iyo hadal heyn badan ka dhaliyey baraha bulshadda, waxaana dadka qaarkood oo dhaliilay ay sheegeen in hadalkan uu dhiirigelinayo guurka khudbo sirada oo ah mid aan shareecada waafaqsaneyn.
“In gabar lagu soo tiir iyo tacab beelay oo la soo gaarsiiyay heer uu nin rag ah soo hawaysto, ay ku qanacdo in la qudba sireysto ee laga qariyo aabbihii iyo hooyadii soo korsaday, ee luuqyada lagu habeysto; waxay iyada u tahay doqonnimo, gunnimo, iyo garashaxumo, waana godob ay ka gashay nafteeda, waalidkeed, iyo ubadka Khudbasirada ugu caloolgeli doona, waxaa taas ka daran in In haweeney hooyo ah oo waliba Wasiirka Haweenka ah ay warbaahinta la soo fariisato in aysan qudba siradu dhib laheyn waxay caddeyn iyo tusaale nool u tahay qeyru masuulnimadeeda, iyo sida ay uga arradan tahay laxawga hooyannimada, akhlaaqda, iyo anshaxa suubban” ayuu Husen Sabriye oo ka tirsan dadka baraha bulshada wax ku qora.
Sidoo kale waxaa si weyn loo dhaliilay hadal Wasiirka ee ah in haweenka Soomaaliyeed badankood la qudbo sireysto taasoo dadku ay ku tilmaameen been abuur iyo sharaf dhac ka dhan ah gabdhaha, uuna hadalkaasi yahay mid aysan wasiiradu ka fiirsanin oo ku yimid xog ogaal la’aan.