Allbanaadir.com
NEWS

Sidee Somaliland looga dabaal-degay Xuska 18ka May? (Sawirro)

Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan deegaannada Somaliland ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay sannad guurada 34-aad ee munaasabadda 18-ka May, oo ku beegan maalinta Somaliland uu sheegtay in uu noqday dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 34-aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland ay sheegtay iney ka go’day Somalia inteeda kale.

Munaasibadda sannad-guurada 34-aad oo lagu qabtay barxadda weyn ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen madaxweynihii 5-aad ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, shirguddoonka labada aqal, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda saddexda xisbi qaran,  Diblomaasiyiin iyo wakiillo ka oscda dalalka Somaliland la saaxiibka ah, iyo wufuud kala duwan oo xukuumaddu kusoo casuuntay munaasibadda

Ciro ayaa salaan ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dalka oo halkaas dhoollatus iyo gaaddo-ka-ciyaar  ku soo bandhigay, iyada oo ay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hay;adaha  dawladda.

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee  Somaliland sida Booliska, asluubta, dab-demiska iyo Militeriga oo hub iyo saanad casri ah oo lagu qalabeeyey, kuwaas oo bandhiggoodu si weyn usoo jiitay bulshadii fagaaraha caasimadda ku sugnayd iyo kuwii daafaha dunida ka daawanayey.

Somaliland ayaan weli aqoonsi caalami ah ka helin caalamka inkastoo ay ku guuleysatay iney sameysato nidaam dowladnimo oo dhameustiran.

HOOS KA DAALACO SAWIRRO

Related posts

Madaxweyne Trump oo ka laabanaya go’aan adag uu horey uga qaatay Hay’adda WHO

Cabdi Cade

Ciidamo maanta fashiliyay Weerar ismiidaamin ah oo abaalmarin la siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wariye katirsan Idaacada Goobjoog oo lagu xiray xarunta CID-da Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---