Allbanaadir.com
NEWS

Rag lagu tuhmayo in Al Shabaab basaas u ahaayeen oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Ciidanka daraawiishta Galmudug oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 10 ruux oo ku eedeysan la shaqeynta kooxda Al Shabaab iyo in ay jawaasiis u ahaayeen kooxdaasi.

Raggan la tuhmayo in ay Al Shabaab la shaqeenayeen ayaa ciidamada ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degaannada Camaara iyo xinlabi ee dhaca koofurta gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamadda ayaa sheegay in soo qabashada ragan ay ka dambeysay kaddib markii shacabka deegaanka ay lasoo wadaageen xogta ragaan, kuwaas oo kooxda Al Shabaab kala shaqeyey weerarkii ay ka fuliyeen deegaanka Xinlabi.

Raggan lasoo qabtay ayaa la sheegay in lagu sameenayo baaritaanno la xariira dambiga lagu tuhmayo, waxaana saraakiisha ciidanka u digeen dadka kala shaqeeya Al Shabaab dhibaateenta shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Mid ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaalida ugu waaweyn oo geeriyooday

Caydiid Ali

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay amaanka garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay agagaarka safaarada Maraykanka ee Qaahira (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali