Nin hubeesan oo dilay askari katirsan ciidanka Dowlada oo isna lagu dilay Muqdisho

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya goordhaw magaalada Muqdisho ku dileen nin hubeesan oo la sheegay in uu wax ka dilay askari katirsan ciidanka dowlada.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in koox hubeesan xaafada Suuq Bacaad ku dileen askari katirsan ciidanka dowlada, waxaana kooxda dilka geesatay eryaday ciidamo kale oo dowlada katirsan oo ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada amaanka toogteen nin hubeesan oo kamid ahaa ragii dilay askari katirsan ciidanka dowlada, warar kale oo soo baxaya iyana sheegaya in ciidamada qabteen nin kale oo kamid ahaa ragii dilka geestay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa ku sugan goobta ay dilalku ka dhaceen, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan dilka askariga loo geestay iyo halka ay ka yimaadeen kooxda dilka geesatay.

Kooxaha hubeesan ee dilalka ka geesta Muqdisho ayaa inta badan ka baxsan jiray gacanta laamaha amaanka, waxa ayna dhacdadan ciidamada amaanka ku dileen ninka hubeesan ee dilka geestay kusoo aadeysa xili amaanka Muqdisho booliis lagu wareejiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -