Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh

Maamul goboleedka Somaliland,  ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uu ka dambeeyay duullaan ay ciidamada maamulka Khaatumo State ku qaadeen deegaanka Qorilugud  ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalka ka socda deegaano hoostaga Buuhoodle yihiin duullaan laga soo abaabulay magaalada Muqdisho uuna yahay mid looga soo horjeedo doorashada ka dhaceysa deegaannada maamulkooda.

”Dagaalkan ayaa ah mid ay soo abaabushay kana soo shaqaysay dawladda ka dhisan Muqdisho, iyada oo ku doonaysa in lagu dhaawoco hannaanka Dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ka socda  Somaliland oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin, waana dagaal uu ka danbeeyo Xasan Sheikh Maxamuud oo ka xun guulaha iyo horuumarka ay shacabka Somaliland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Somaliland.

Warka kasoo baxay maamulka Somaliland ayaana loogu caddeeyay beesha caalamka in dagaalka ka socda deegaannada hoostaga Buuhoodle yihiin kuwa ay ka dambeeyso dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo ayaa dhaliyay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna labada dhinacee dagaallamaya dagaalka ka sheegteen guulo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo loogu baaqay in ay xirto Safaaraadka Imaaraatka ee Muqdisho dalkana ka saarto Diblumaasiyiinta Imaaraatka

admin

Nin xirnaa lebiska dumarka iyo Indho-shareer oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

Ujeedka socdaalka ay maanta Muqdisho ku imaaneyso Raychelle Omamo oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---