Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah goobaha ganacsi ee kuyaalla xaafada Islii oo saakay xiran iyo Sababta keentay

Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah goobaha ganacsi ee Soomaalida leeyihiin ee kuyaalla xaafada Islii ee magaalada Nairobi, gaar ahaan dukaamada lagu iibiyo raashinka nuucyadooda kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay ganacsata ayaa xiray goobahooda gamacsi kaddib markii xaafada soo galeen ciidamo la sheegay in ay baaritaanno ku sameenayaan dukaamada ay Soomaalidu leeyihiin.

Ciidamadan katirsan laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa dukaamada Soomaalida ee kuyaalla xaafada Islii ka baaraya caanaha budada ah ee loo yaqaan booraha , kuwaa oo sharci-darro ka ah dalka Kenya si qarsoodi ahna lagu keeno.

Ganacsatada ayaa warbaahinta u sheegay in ay xireen dukaamadooda kaddib markii xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji oo Islii ay ka mid tahay Yuusuf Xasan ka dalbaday in dukaamadooda xiraan inta uu uga imaanayo una xalinayo arrintooda.

Ciidamo katirsan dowladda Kenya ayaa maalmo kahor galay kuna sameeyay fatash iyo baaritaano dukaamo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed, iyaga oo ka dhax raadinaya caana booraha gasacadaha ku jira ee sida sharci-darada ah dalkan lagu soo galiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe oo Farmaajo ku eedeeyey inuu wado qorshe halis ku ah Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xaaf oo Shirka Musharaxiinta u socda ku tilmaamay mid aan xalaal aheyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---