Mareykanka oo ka hadlay duqeymo ay la beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin Kacaanka Iran

Diyaaradaha dagaalka milatariga Mareykanka ayaa duqeymo culus  ku garaacay saldhigyo milatari oo ay leeyihiin ciidamada kacaanka dalka Iran, kuwaa oo kuyaalla qeybo kamid ah gudaha dalka Syria.

Duqeyntan ayaa timid kaddib markii maleeshiyaad taageersan dowladda Iran weeraro kala duwan ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin qeybo kamid ah dalalka Syria iyo Ciraaq.

Xoghayaha difaaca dalka Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqayntaan ay ku garaaceyn saldhigyada ciidamada Iran in ay jawaab u ahayd weerar ay kooxaha ay taageerto Iran ku qaadeen saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq iyo Syria.

Dowladda Iran ayaan wali ka hadlin duqeymaha Mareykanka la beegsadeen saldhigyo milatari oo ay Syria ku leeyihiin, sidoo kale wali lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeymaha dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -