Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo afar dal oo kuyaala Qaarada Afrika ka sameesanaya saldhigyo Milatari

Dowlada Shiinaha ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in saldhigyo milatari uga sameesato qaar kamid ah wadamada kuyaala  Afrika si ay qaarada ugu yeelato awood milatari oo baaxadweyn.

Waaxda Difaaca ee dowlada Mareykanka ayaa laga soo xigtay in dowlada Shiinaha dooneyso in saldhigyo milatari ka sameesato dalalka  Tanzaaniya ,Kenya, Angola , iyo sidoo kale dalka Seychelles.

Dowladahan dhulkeeda la sheegay in Shiinaha saldhigyo milatari ka furanayo Ayaan wali ka hadlin jiritaanka warkan, waxaana warkan laga soo xigtay dowlada Mareykanka abuuray hadal heyn badan.

“Marka laga soo tago saldhigga uu hadda ku leeyahay Jabuuti, Shiinaha wuxuu aad ugu muuqdaa mid ka fekeraya inuu xarumo kale oo milatari sameysto si ay u taageeraan ciidamada cirka, badda iyo dhulka,” ayaa lagu warkan laga soo xigtay Waaxda Difaaca Mareykanka.

Warbixintan laga soo xigtay waaxda Difaaca dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Shiinaha saldhigyo milatari ka sameesaneyso wadamo kale oo kuyaala Qaarada Aasiya ay ku jiraan Pakistan, Indonosia iyo Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Gudoomiye kuxigeenada Degmada Dayniile oo goordhaw la dilay

Cabdi Cade

Maxkamad ku taala Cape Town oo xukun ku riday nin horey u dilay qof Soomaali ah

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo ka bad baaday Qorshe Al Shabaab ku dili rabeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---