Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Magacyada masuuliyiin ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana xubnahan is dhiibay lagu soo bandhigay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Al Shabaab ayaa munaasabada ka dhacday deegaanka Ceel Cadde kusoo bandhigtay afar nin oo Al Shabaab sheegeen in Gudoomiyaal ka ahaayeen xaafado katirsan degmada Balad Xaawo.

Ragan Al Shabaab kusoo bandhigeen Ceel Cadde ayaa sheegay in ay masuul ka ahaayeen xaafado kuyaala degmada Balad Xaawo, waxa ayna tilmaameen in ay go’aansadeen in ay kasoo tagaan maamulkii ay ka tirsanaayeen iskuna soo dhiibaan Al Shabaab.

Halkan ka Akhriso Magacyada raga lasoo bandhigay

Xuseen Jibriil Ibraahim oo la sheegay in uu  ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8aad ee Beled xaawo ,Xuseen Sahal Aadan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda7aad ee Beled xaawo, Cabdiwali Iftiin Barroow oo isna ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7aad  iyo Maxamed khaliif xasan oo isna ahaa guddoomiyaha xaafadda 8aad ee Beled Xaawo.
Maamulka degmada Balad Xaawo ee Jubbaland ayaan wali ka hadlin ragan Al Shabaab soo bandhigeen, maamulka ayaana wali xaqiijin sidoo kalana aanan beenin warkan kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan in masuuliyiin Balad Xaawo katirsan isku soo dhiibeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo duqeysay saldhig Turkigu degi rabay oo Siiriya ku yaalla

Caydiid Ali

Cabdi Max’uud Cumar & lix kale oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Addis ababa

Caydiid Ali

Xuska 10-sano Guurada Dib-u-nooleynta Xiriirka Somalia iyo Turkiga oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---