Allbanaadir.com
NEWS

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo Muqdisho ka dhacay

Qarax xoogan ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Dayniile iyo Daru-salaam ee gobolka Banaadir kaasoo loo adeegsaday miino wadada hareeraheeda la dhigay.

Daryanka qaraxan ayaa laga maqlay meelo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari Surf ah oo ay ay wateen Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee maamulka degmada Dayniile iyo gudoomiye waaxeed ka tirsan degmadaas.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxaas ay ku naf waayeen labo qof oo la socday mooto bajaaj daba socotay gaarigooda, kuwaasoo kala ahaa darawalkii mootada iyo nin rakaab ah.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee maamulka degmada Dayniile ayay wararku sheegayaan inuu ka badbaaday qaraxaas, iyadoo uu dhaawac fudud soo gaaray gudoomiye waaxeedkii gaariga la saarnaa.

Meydadka dadka dhintay ayaa muddo saacado ah yaalay goobta lagu qarxiyey ka dib markii la waayey cid aqoonsata.

Ma jirto illaa hadda cid loo soo xiray qaraxaas, laamaha amaanka dowladana weli kama hadlin.

 

Related posts

Jen. Indha-qarshe oo la dardaarmay ciidamo loo wado dagaalka Al-shabaab ( Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo lagu riday Farxaan Jaamac Siyaad oo dambi culus lagu helay

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa go’aanka qalafsan ee Kenya ka qaadatay xiriirka Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---