Degmo Al Shabaab laga saaray oo laga mamnuucay in aroosyada baabuur lagu galbiyo iyo in…

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya , gaar ahaan guutada Gorgor ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa soo saaray ammar degmadaasi looga mamnuucayo in aroosyada baabuur lagu galbiyo sidoo kale rasaas kor loo rido.

Qoraal ay soo saareen saraakiisha hoggaamisa ciidamada Gorgor ee ku sugan Xarardheere ayaa dadka loogu sheegay in ay mamnuuc tahay in hal gaari ka badan aroos lagu galbiyo, sidoo kale la mamnuucay in aroosyada iyo dabaal-degyada kalaba rasaas loo rido.

Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale amray in ciyaaradaha hidaha iyo dhaqanka aysan hal goob kuwada ciyaari karin ragga iyo dumar, waxa ay sidoo kale mamnuuceen in magaalada dhaxdeeda baabuurta xawaare sare ku socdaan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la joojiyay in baabuur magaalada lagu dhax wado waxii ka dambeeya lixda maqribnimo, iyadoona qofkii jabiya ammarka laga qaadi doono tallaabo adag.

Awaamiirtan kasoo baxday saraakiidha ciidamada xoogga ee ku sugna degmada Xarardheere ayaa lagu sheegay in ay tahay mid looga gon leeyahay xaqiijinta ammaanka degmada oo sannad kahor laga saaray kooxda Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -